TIETOPAKETTI SOMALIKSI

Macluumaad ku saabsan nidaamka sharciga oggolaanshaha kaluumeysiga iyo cabirka ugu hoseeya ee kalluunka ee Finland.

Kaluumeysiga si xooggan ayaa sharciga loogu ilaaliyaa si loo hubiyo isticmaalka waaraya.

Kharashka ka soo ururay daryeelka kalluumeysiga waxaa lagu hirgaliyaa fursadaha kalluumeysiga waxaana lagu daryeelaa bey’adda biyaha ah. Kharashkaas waxaa lagu isticmaalaa qorsheynta isticmaalka waaraya iyo daryeelka kalluunka, dib u habeynta biyaha kalluunku ku jiro iyo magdhowga la siinayo hantileyda aagyada biyaha leh ee aag biyoodkooda kalluumeysiga lagu isticmaalay. Kharashka loo ururiyay daryeelka kalluumeysiga waxaa lagu diyaariyaa adeegyada la talinta ee kalluumeysiga, waxaa lagu qabanqaabiyaa kormeerka kalluumeysiga waxaana lagu hirgaliyaa mashruucyada kala duwan ee lagu wanaajinayo xaaladda nololeed ee kalluunka laguna ilaalinayo cadadka kalluunka.

Oggolaanshaha iyo agabka kalluumeysiga

Finland kalluumeysiga waxaa loogu baahanyahay sharciyo oggolaansho ah oo kala duwan iyadoo ay ku xidhantahay qaabka loo kalluumeysanayo iyo bey’adda laga kalluumeysanayo.

Kalluumeysiga iyo jillaabta

Lacag la’aan. Looma baahna oggolaanshaha kalluumeysiga. Kalluumeysigu waa in kalluun lagu raadiyo jillaab oo lagu xidho lacaaf. Kalluumeysiga noociisa kale waa in qaab taagni ah jillaabta loogu kalluumeysto iyadoo loo adeegsanayo jillab la dhaqaajin karo,

In lagu kalluumeysto qalabka kalluumaysiga jillaab tuurashada oo ka kooban ul jillaab, giraanta cayngeriga maqaalinta oo lacaaf iyo maqaalinba wata.

Waa lacag. Kharashka daryeelka kalluunka waxaa looga baahanyahay dhammaan dadka da’doodu u dhaxeyso 18-69. Kaasi wuxuu ku suurta galinayaa inaad hal jillaab ku kalluumeysato. In jillaabyo badan lagu kalluumeysto waxaa loogu baahanyahay kharashka daryeelka kalluunka ka sakow in oggolaansho laga haysto hantiilaha aag biyoodkaas iska leh.

In lagu kalluumeysto qalabka kalluumaysiga jillaab tuurashada oo ka kooban ul jillaab, giraanta cayngeriga maqaalinta oo lacaaf iyo maqaalinba wata, waa kalluumeysi uu kalluumeystuhu haysto qori wareegaya.

In la adeegsado shay lacaf ahaan loo adeegsanayo marka jillaabta kalluumeysiga loogu tuuranayo.

Waa lacag. Kharashka daryeelka kalluunka waxaa looga baahanyahay dhammaan dadka da’doodu u dhaxeyso 18-69. Waxaad xaq u yeelenaysaa inaad hal mar u kalluumeysato qaabta lacaf ahaan loo adeegsanayo jillaabta kalluumeysiga loogu tuuranayo. In jillaabyo badan lagu kalluumeysto waxaa loogu baahanyahay kharashka daryeelka kalluunka ka sakow in oggolaansho laga haysto hantiilaha aag biyoodkaas iska leh.

Kalluumeysiga dabinka loo isticmaalayo.

Waa lacag. Kharashka daryeelka kalluunka waxaa looga baahanyahay dhammaan dadka da’doodu u dhaxeyso 18-69. Intaas waxaa dheer inay tahay in oggolaansho laga haysto hantiilaha aag biyoodkaas iska leh da’ kasta oo uu qofku yahay. Kalluumeysiga dabinka loo isticmaalayo waa mid bir, siriq, god, shabaq iwm. oo loo dhigayo kalluunka si loo qabto

Arrimaha mamnuuc ah

Kalluunka kalluumeysigooda la mamnuucay si aanay u dabar go’in in dabin loo dhigo waa mamnuuc.

Kalluun nool dabin lagama dhigan karo oo lama kalluumeysan karo. Kalluunka la kalluumeystay ama dabin ahaan loo adeegsanayo waa in sida ugu dhakhsaha badan ee ugu xanuunka yar loo dilaa.

Waxyaabaha qarci kara, hubka toogashada, korontada iyo maaddooyinka sunta ah ama mukhaadaraad noqon kara lama isticmaali karo.

Shabagga furan ama doonta laga soo jiidayo in la isticmaalo waa mamnuuc.

Hantiileyaasha xeebta ama dadka kale ee biyaha dul maraya lama qashqashaadi karo.

Aag-biyoodka ay ku noolyihiin kalluunka duur socodka ah waa la xadeeyay ama gabi ahaan ayaa la mamnuucay. Soo ogoow sharciyada ka jira aag-biyoodka goobta aad joogto ka jira.

Dabinada ama agabka iyo qaababka kalluumeysiga ee aanan daruuriga ahayn ama dhaawacaya oo dilaya kalluunka ama si kale halis u galinaya in cadadka kalluunku uu waaro waa mamnuuc in la isticmaalo.

Cabirka hoose iyo muddooyinka la mamnuucay in la kalluumeysto kalluunka gaarka ah ee tusaale ahaan dabar go’ looga cabsanayo:

Hoos waxaa ku qoran cabirada hoose ee noocyada kalluunka ee ugu badan iyo muddooyinka la mamnuucay in la kalluumeysto Finland. Waxaa wanaagsan in macluumaadkan mar walba laga xaqiijiyo sharciyada kalluumeysiga ee ugu dambeeyay sababta oo ah waa sharciyo is badbaddali kara oo ku xidhan goobta iyo sanadka.

Salmon Cabbirka ugu hosseeya waa 60 cm. Wuxuu ka mamnuucanyahay in laga kalluumeysto wabiyada iyo far biyoodyada inta u dhaxeysa 1.9.–30.11. (Hubi sharciyada ka jira meesha aad joogto!)

Kalluunka Taimi Baal-biyoodle ka mamnuucan in lagu kalluumeysto badda iyo aag biyoodka dalka gudihiisa, cabbirka ugu hoosseeya ee baal-biyoodka laga jaray waa 50 cm. Far biyood/balli aanan ku xidhiidhsanayn bad 45 cm. Wuxuu ka mamnuucanyahay in laga kalluumeysto wabiyada iyo far biyoodyada inta u dhaxeysa 1.9.–30.11. (Hubi sharciyada ka jira meesha aad joogto!)

Kalluunka Siika Ma laha cabbir loo qoondeeyay oo hoose oo dalka ka jira, waa mid aagagga kala duwan ku kala duwan. Muddooyinka ogxan dhigidda kalluunka waxaa laga yaabaa in muddooyin kala duwan oo kalluumeysigu mamnuuc uu yahay ay meelaha kala duwan ka jiraan. Mar walba hubi sharciyada kalluumeysiga ee deegaanada ama aagyada gaar u ah.

Kalluunka Kuha Cabbirka ugu hooseeya 42 cm. Ma jiraan muddooyin mamnuuc uu yahay kalluumeysigiisu isaga oo cabsi dabar go’ loo mamnuucay laakiin xadeymo ayaa jiri kara gaar u ah goobaha kala duwan. Kalluunka Kuha meelo badan ayuu dhaqaalaha muhiim u yahay sababtaas ayaay daruuri u tahay in la hubiyo sharciyada gaarka ah ee meelaha kala duwan ka jiri kara.

Kalluunka Ahven Ma jiro cabbir hoose oo dalka oo dhan ka jira. Ma jiraan muddooyin mamnuuc uu yahay kalluumeysigiisu isaga oo cabsi dabar go’ loo mamnuucay. Kalluumeysiga kalluunka Ahven waxaa badanaa sharciyadiisa lagu ilaaliyaa sharciyo aagyada qaarkood gaar u ah oo tusaale ahaan khuseeya kalluumeysiga shabaga.

Kalluunka Hauki Ma jiro cabbir hoose oo dalka oo dhan ka jira. Ma jiraan muddooyin mamnuuc uu yahay kalluumeysigiisu isaga oo cabsi dabar go’ loo mamnuucay. Kalluunka Hauki sannadka oo dhan ayaa la kalluumeystaa, laakiin guga oo ah muddada uu ogxanta dhigo waxaa habboon in ammaanka ogxan dhigashada la siiyo. Xadeymo aagyada gaar u ah ayaa jiri kara.

Kalluunka Made Ma jiro cabbir hoose oo dalka oo dhan ka jira. Ma jiraan muddooyin mamnuuc uu yahay kalluumeysigiisu isaga oo cabsi dabar go’ loo mamnuucay. Kalluunka Made wuxuu ogxantiisa dhigaa wakhtiga jiilaalka barafka hoostiisa yuuna ku dhigaa ogxantiisa.

Kalluunka Ankerias Hareeraha badda in lagu kalluumeysto waa laga mamnuucay gabi ahaanba marka kalluumeysigu mid wakhtiga firaaqada ah uu yahay. Meelaha kale wuxuu ka mamnuucanyahay kalluumeysigu isaga oo dabar go’ loo cabsanayo muddada u dhaxeysa 1.8.–30.6.

Kalluumada Särki, Lahna, Pasuri, Silakka Ma jiro cabbir hoose. Ma laha muddo kalluumeysigoodu uu mamnuuc yahay. Kalluunka guud ee kalluumeysigooda aanan sida caadiga ah lagu xadeynin cabbir hoose ama muddooyinka kalluumeysiga loo mamnuucay cabsi dabar go’ darteed,

Abuumaqas Abuumaqasku kuma laha cabir hoose sharciga kalluumeysiga. Abuumaqaska waxaa la mamnuucay in la kalluumaysto 1.11.–21.7. saacadda 12.00.  Abuumaqaska kalluumeysigiisu mar walba waxaa ku xidhan in aag-biyoodka laga kalluumeysanayo hantiilaha leh oggolaansho laga haysto. (Hubi sharciyada ka jira meesha aad joogto!) Dabinada abumaqaaska lagu kalluumeysanayo waa in jeermiska laga dilaa haddii aag-biyoodyo kala duwan lagu isticmaalayo.

Cabirada kalluunka la kalluumeysanayo iyo muddooyinka kalluumeysigoodu uu mamnuuc yahay waxaad ka arki kartaa Wasaaradda dhaqaalaha dhulka iyo keymaha ama Bogga isku tagga dhaqaalaha kalluunka oo ah www.ahven.net

Abumaqaaska cabirkiisu hooseeyo iyo kalluunka kalluumeysigiisu mamnuuc uu yahay waa in isla markaaba biyaha dib loogu sii daayaa. Sidaas oo kale ayaa la yeelayaa xattaa haddii ay meyd yihiin!

Muhiim:

Sharciyada deegaanada iyo aagyada gaarka u ah: Mar walba xasuusnoow inaad hubiso sharciyada kalluumeysiga ee aagyada ama deegaanada gaarka u ah, sababta oo ah cabirka hoose iyo muddooyinka kalluumeysigooda la mamnuucay way ka duwanaan karaan talo-bixinta dalka oo dhan khuseysa. Macluumaadka waxaa badanaa laga helaa iibiyaha aagga ooggolaanshaha jooga ama ururada kalluumeysiga ee aaggaas.

Sharciga kalluumeysiga: La soco jarciga kalluumeysiga. Waxaa ku jira sharciyo khuseeya kalluumeysiga, waajibaadka oggolaanshaha iyo ilaalinta cadadka kalluunka.

Kalluumeysiga waaraya: Dhaqan gali kalluumeysiga waaraya. Si xad ka bax ah ha u kalluumeysan, sii daa kalluunka cabirkiisu hooseeyo waxaanad tixgalisaa muddooyinka kalluumeysiga la mamnuucay.

Ahven.net: Waa meel xog ay ka heli karaan dhammaan dadka xiiseeya kalluunka iyo kalluumeysiga.

Eraluvat.fi: Adeeg internetka ka jira oo Guddiga keymuhu ay leeyihiin oo laga iibsan karo oggolaansha ka kalluumeysiga aagyada dowladdu ledahay waxaana laga heli karaa macluumaad ku saabsan sharciyada kalluumeysiga.

Ururada kalluumeysiga ee goobaha kala duwan ka jira: Macluumaad khuseeya sharciyada goobaha kala duwan ka jira.

Adeegga macaamiisha ee Guddiga keymaha: Talobixin ku saabsan ka kalluumeysiga aagyada biyaha ee dowladda.

Wargelinada ugaarta

Noocyada kalluunka qaar ka mid ah marka la ugaarsado waa in la ogaysiiyaa sarunta Luonnonvarakeskus. Waajibka ogaysiisku wuxuu khuseeyaa dhammaan ciddii kallumeysiga wakhtiga firaaqada sameynaysa. Qaabka ugu fudu ee ugaarta aad u wargelin karto waa inaad isticmaasho aaladda Omakala.

Noocyada kalluunka ee ay tahay in la wargeliyo: salmon, salmonka wabiga, taimi, ankerias, nieriä Kuolimo iyo Saimaa marka la joogo iyo sidoo kale aag biyoodyada kale ee Vuokos iyo biyaha Harjus ee u dhaxeeya barbarada loolalka ee 65°00′N koonfur ka xiga iyo badda iyo salmonka kyttyrälohi.

Cabirada ilaalinta:

Kalluunka la ilaaliyay iyo abumaqaaska wabiga waxaa loo xaqiijiyay cabiro ilaalineed oo ay tahay in la bixiyo iyadoo ay dheeryihiin ciqaabta ganaaxa macquulka ah haddii fal-dambiyeedka kalluumeysiga markii la galayay la ubaarsaday kalluun la ilaaliyay .

Salmonka badda Baltiga iyo aag biyoodyada gudaha dalka waa 3 470 €, Ankerias 3 510 € , Taimi marka uu badda ku jiro ama wabi badda ku dhacaya ku jiro 3 260 €, Taimi markuu biyaha dalka gudihiisa ku jiro ama uu koonfur ka xigo barbaarka loolka 67°00’N waa 2 440 € , Harjus marka uu badda ku jiro 1 360 €, Siika marka uu ku jiro wabi ama far badda u ku dhacayso 460 €, Abumaqaaska wabiga 50 €

Macluumaadkan waxaa lagu soo koobay xogta ugu muhiimsan ee ku saabsan oggolaanshaha kalluumeysiga iyo xadeynta ugaarsiga ee Finland ka jirta. Macluumaad sii faahfaahsan waxaa laga heli karaa ciwaanada: www.ahven.net, www.finlex.fi

Macluumaadkan iyo turjumaaddiisa waxaa laga maalgaliyay kharashka daryeelka kalluunka.